Dalalka ay u kala dhasheen Garsoorayaasha ICJ ee loo xilsaaray Dacwadda Badda Soomaaliya iyo Kenya.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Maxkamadda Cadaaladda ee Caalamiga Qaramada Midoobay ICJ ayaa maanta soo saareysa go’aanka ugu dambeeya ee Dacwadda Badda Soomaaliya ee Kenya sheegtay kiiskaas oo ah mid furan tan iyo August 2014-kii.

ICJ waxa ay kiiskaan u wakiilatay 15-Garsoore waxaana natiijada ku dhawaaqaya Guddoomiyaha Maxkamadda sida ku xusan warka kasoo baxay oo ay ku faah-faahisay qaabka uu u dhacayo fadhiga maanta.

Ronny Abraham waxa uu u dhashay Dalka Faransiiska 5-tii September 1951-dii, waxaana uu ka shaqeynayaa Maxkamadda laga soo bilaabo 2005-tii, waxa uu daraaseeyay Sharciga Caalamiga, waana ninka bedelay Cabdilqawi Axmed Yuusuf oo Soomaali ah.

Qofka labaad waa Hisashi OWADA oo dhalashadiisu tahay Japan waxa uu dhashay 18-kii September 1932-dii, waa aqoonyahan daraaseeyay Sharciga Caalamiga kana bartay Jaamacadda New York.

Garsoore Peter Tonka dhalashadiisu waa (Slovakia) waa garsoore joogto ah oo xubin ka ah Maxkamadda ICJ, waana madaxweynihii hore ee Maxkamadda Cadaaladda Caalamiga, waxa uu waaya joog u ahaa kiisas kala duwan.

Maxamed Bennouna waxa uu kasoo jeeda (Morocco) waxa uu maxkamadda garsoorayaasheeda kamid noqday 2006-dii, waa aqoonyahan daraaseeyay Sharciga Caalamiga ah waxa uu leeyahay khibrad ku filan marka la eego waqtiga uu maxkamadda joogo.

Julia Sebutinde waxa ay Haweeneydaan u dhalatay Dalka (Uganda), waxa ay maxkamadda ICJ xubin ka noqotay 2012-kii, Waa haweeneyda keliya ee Maxkamadda kiiskeeda ku metaleysa Qaaradda Afrika, waxa ay UK ku daraaseysay Sharciga.

Antonio Augusto Trindade waxa uu ku dhashay (Brazil) 17-kii September 1947-dii, Derajadiisu waa PHD uu ka heysto Sharciga Caalamiga ah, waxa uu Maxkamadda xubin ka yahay laga soo bialabo 6-dii Febaraayo 2009-kii.

Christopher Greenwood waxa uu kasoo jeedaa (UK), waxa uu ku dhashay Wellingborough 12-kii May 1955-tii on May 12, 1955, waxaana uu kamid yahay Garsoorayaasha maanta laga sugayo go’aanka Maxkamadda ICJ ee dacwadda Badda.

Soomaaliya ayaa dacwo ka dhan ah Sheegashada Kenya ee qayb kamid ah Biyaha Soomaaliya u gudbisay Maxkamadda Caalamiga ee Cadaaladda ICJ August 2014-kii, Kenya waxa ay isaga hartay wareeggii ugu dambeeyay, 8-dii October 2021 waxa ay ku dhawaaqday in aysan u hoggaansami doonin go’aanka Maxkamadda ay gaarto.

Mustaqbal