Danjire Jamaal Barrow “Fowdo diblomaasiyadeed ayaa ka jirta Soomaaliya”

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xilli Soomaaliya aanay weli yeelan xukuumad rasmi ah oo uu soo magacaabay Madaxweynaha la doortay bartimihii bishii May, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa soo baxay hadal-hayn ku aaddan in qaar ka tirsan safiirrada uu fadhigoodu yahay Muqdisho ay kulamo xiriir ah la yeesheen Madaxweynaha iyo Guddoomiyeyaasha labada aqal ee baarlaamaanka Soomaaliya.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Nigeria, Danjire Jamaal Barrow, ayaa bartiisa Facebook ku faafiay qoraal uu ku sheegay in waxa hadda ka socda Soomaaliya lagu tilmaami karo “fowdo diblomaasiyadeed.”

Danjiraha ayaa sheegay in hab-dhaqanka diblomaasiyiinta shisheeye uu yahay mid aan la aqbali karin, “inay dhex wareegaan xafiisyada dowladda iyagoo aanay ka warqabin wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya oo ah hay’adda u xilsaaran la macaamilka diblomaasiyiinta ajaanibta ah.”

Safiir Jamaal ayaa intaa raaciyay in dalalka ay matalaan diblomaasiyiintaas aan laga oggolayn in danjireyaal ajaanib ah ay sidan oo kale u dhaqmaan.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq, oo aan arrintan wax ka weydiinay ayaa sheegay in xaaladda hadda taagan ee kala-guurka ah, ay si ahaan u saamixi karto in safiirrada shisheeye ay galaangal noocaas ah ku yeeshaan Muqdisho.

“Waqtiga lagu jiro waa waqti kala-guur ah oo aanu Madaxweynaha weli magacaabin Raysul wasaarihii soo dhisi lahaa xukuumadda rasmiga ah. Marka dhaq-dhaqaaqyada ay hadda wadaan safiirrada dalalka aad u daneeya arrimaha Soomaaliya waa wax la fahmi karo,” ayuu yiri wasiir hore, Maxamed Cabdirisaaq.

Waxa uu intaa ku daray in maaddaama Soomaaliya ay tahay dal soo kabanaya, ay ka dhiman yihiin wax badan oo ku aaddan arrimaha xiriirka dibedda iyo xeerarka diblomaasiyadda.

“Waxaa hadda taagan arrimo badan oo aan lala sugi karin xukuumadda cusub ee muddo kaddib la dhisi doono, waxaana arrimahaa ka mid ah dhaqaalaha, amniga iyo wax-ka-qabashada xaaladaha bani’aadannimo. Arrimahaas waxaa gacan mug leh ka geysan kara waddamada shisheeye ee caawiya Soomaaliya. Albaabka laga galana waa safiiraddooda fadhiya Muqdisho,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Waxa uu sheegay in marka ay timaado xukuumad si rasmi ah ula wareegta hoggaaminta dalka, loo baahan yahay in la xoojiyo xeerarka u yaalla diblomaasiyadda iyo xiriirka waddamada kale.

Danjire Jamaal Barrow ayaa ku taliyay in si looga baxo waxa uu ugu yeeray fowdada diblomaasiyadeed looga baahan yahay wasaaradda arrimaha dibedda ee uu la shaqeeyo ay in la timaado xeer nidaamiya howlaha diblomaasiyiinta jooga Muqdisho, kuwa ku xad-gudbana lagula xisaabtamo sida ay sameeyaan dalalka adduunka oo dhan.