Dawlada Federaalka oo warsaxaafadeed kasoo saartay dagaalkii maanta ee deegaanka Wisil

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dowladda Fedaraalka Soomaaliya waxa ay si adag u cambaareyneysaa weerarkaasi argagixiso, islamarahaantaana tacsi tiiraanyo leh u direysaa ehallada dadkii ku dhintay dagaalka saakay waaberigii Nabad-diidka Alshabaab ku soo qaadeen deegaankaasi.

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdiraxman Yusuf Alcadaala ayaa yiri “Xukuumaddu ayadoo dhiirrigalineysa guusha shacabka degamada Wisil waxa ay qaadday tallaabooyin degdeg ah oo gurmad loogu fidinayo dadka shacabka ah ee waxyeelladu ka soo gaartay weerarkaasi iyo qaraxyo ay dhulka galiyeen nabad diidka Al Shabaab”.

Kooxda Al Shabaab oo banneystay in ay si xaqdarro ah ku daadiyaan dhiigga Umadda Soomaaliyeed ayaa iyada oo lagu jiro maalmihii qiimaha lahaa ee xoriyadda waxay weerar ku billawday qaraxyo ku qaadday magaalada Wisil oo ka tirsan gobolka Mudug, halkaas oo ay kala kulmeen qasaare aysan abid kasoo kabsan doonin, waxa ayna ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garab ka helaya kuwa Daraawiishta Galmudug iyo shacabka degaanka weli sii baacsanayaan firxadkii Aragixisada Al Shabaab.

Sidoo kale Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa xaqiijiyey in 41 xubnood Al-Shabaab  looga dilay dagaalkii saakay barqadii ka dhacay Wisil, halka tiro intaas ka badan looga naafeeyey.