Dawlada Soomaaliya oo la sheegay inay ka cabsi ka qabta sidii Daalibaan Ay Al Shabaab sameeyaan

MUQDISHO-AYAAMAHA-Tan iyo markii Axadii Afgaanistaan si rasmi madaxtooyada Kabul ula wareegeen,ayaa dalalka caalamka badankood ay siyaabo kala duwan uga fal celiyeen.

Dawlada Soomaaliya oo markii ugu horeysay ka hadashay Qabsashadii Kooxda Daalibaan Maalin ka hor ku qabsadeen Madaxtooyadii Afgaanistaan.
Sidoo kale waxa uu sheegay inay muhiim tahay in shacabka Soomaaliyeed ay dowladooda garab istaagan, isagoona ka digay in dalkeena ay ku imaan karto arrin lamid ah mida Afghanistan, haddii aan laga fikirin oo laga hortagin, sida uu hadalka u dhigay. 
Wasiiru dowlaha Wasaarada Waxbarashada Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Jaabir ayaa shacabka ugu baaqay inay ciidamada taageeraan si looga hortego Al Shabaab.
Waxa uu xusay in 20 sano dowladda Afghanistan lagu bixinayay waqti iyo qarash badan, haddana ay ugu dambeyntii u gacan gashay kooxda Taalibaan, oo ay si weyn isku hayeen, taasi oo la fahamsan yahay inuu ula jeedo in taageerada caalamka ay waxba soo kordhineyna haddii gudaha la isku duubneyn.