Dawladda Guriceel ka billawday aargoosi ka dhan ah dadkii taageeray Ahlusunna

MUQDISHO-AYAAMAHA-Taliyaha Ciidamada Booliska degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud Cismaan Cali Hudeey ayaa sheegay in cadaaladda la horkeeni doono cid kasta oo la Shaqeeysay xoogaga Ahlusunna.

“Waxaan cadeynaynaa in aan la cafin oo cadaalada lq hor geynayno qof kasta oo la shaqeeyay kooxdii magaalada laga saarey ku lug lahaa, kuwii saldhiga boobeyna waa in ay soo celiyaan agabka ku maqan oo aan ognahay qof kasta intii uu biliqeestay ayu yiri” Taliye Hudeey.

Ciidanka ayaa baaritaan ka wada goobihii ay ahlusuna ka dagaalamayeen,waxaana dhanka kale soo baxeysa in ay ciidanku bilaabeen inay tegaan guryaha dhalinyarada qaar udagaalameysay Ahlusuna.

Gudoomiye kuxigeenka Amniga iyo siyaasada maamulka gobolka banaadir cali cabdi wardheere (cali yare cali) ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook maanta barqadii ayuu ku eedeeyey ciidanka meliteriga inay aargoosi ka bilaabeen magaalada.