Dawladda Shiinaha oo golaha ammaanka dhexdiisa kaga hadashay dagaalka Laascaanood

MUQDISHO AYAAMAHA Dawladda Shiinaha ayaa golaha ammaanka dhexdiisa kaga hadashay arrimaha Soomaaliya ka dib booqashadii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh maxamuud.

Safiirka Shiinaha u fadhiya Qaramada Midoobay Zhan Jun oo si faahfaasan uga hadlay arrimaha Soomaaliya ayaa soo hadal qaaday dagaalka Laascaanood.

“Dagaalka Laasacaanood ee u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo maleeshiyada deegaanka waxaan ugu baaqeynaa dhammaan qeybaha dagaalka ku lugta leh inay degdeg xabadda u joojiyaan, ciidamadooda kala baxaan wadahadalna ay galaan” ayuu yiri.

Hore ayey saaxiibada beesha caalamka ee Soomaaliya u cambaareeyeen dagaalka Laascaanood. Bayaan ay soo saareen ayey ku sheegeen in ay “aad uga welwelsan yihiin” saameynta dadka rayidka ah kasoo gaareysa isku dhacyadan socday muddada.

Mowqifka Shiinaha ee Somaliland

Somaliland ayaa heshiis la gashay Taiwan taas oo ka cadheysiisay Shiinaha iyadoo Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad uu Taiwan ka dalbaday in ay ka digtoonaato ‘ku xadgudubka qarannimada Soomaaliya’.

Safiirka Shiinaha u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa ka hadlay mowqifkooda iyo sida ay u arkaan Soomaaliya.

Wuxuu ka sheegay golaha ammaanka in ay ka soo horjeedaan wax kasta oo kala qeybinaya Soomaaliya, waxna u dhimaya madaxbannaanida dhuleed.

Shiinaha wuxuu hore ugu celceliyey in Taiwan ay tahay qeyb dhulkiisa.