Dawladda Soomaaliya oo lagu eedeeyey in dal gaar ah ay u xirtay qodista shidaalka.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dawladda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyey inay qaataan shidaalka Soomaaliya taas oo weli la isku raacin habka qeybsiga kheyraadka Dalka,sida ay tebinayaan xogaha waxaa lasiiyey shirkado shisheeye qandaraaska.

Dhawaan waxaa la magacaabay Afar wasiir oo ka shaqeenaya xaraashka shidaalka Soomaaliya kuwaas oo kala ah:

Wasiirka Maaliyada: Dr Cilmi Maxamuud Nuur

Wasiirka Arimaha Gudaha: Axmed Macalin Fiqi

Wasiirka Cadaalada: Xasan Macalin Maxamuud

Wasiirka Batroolka: C/risaaq Cumar Maxamed.

Afarta Wasiir ee howshaan loo xilsaaray ayaa waxaa la sheegay inay durba guda galeen sidii loo soo xareyn lahaa dhaqaale badan oo Madaxweynaha iyo saaxiibadiis ay heli doonaan,taas oo la sheegay in calaamad su’aal la saari doono Baarlamaanka Soomaaliya hadba sida ay uga fal celiyaan awoodooda iyagoo adeegsanaya arrintaan Shidaal xaraashida ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay isagoo khudbad ka jeedinayey kulankii Jaalliyada Soomaaliyeed uu carabka ku dhuftay in geed dheer iyo mid gaaban ukori doono sidii loo soo saari lahaa shidaalka Soomaaliya lagana faa’iideysto.

Macluumaad sir ah ayaa muujinaya in Diyaarad qaas ah ay Dawladda Isku taga Imaaraadka Carabta usoo dirtay Muqdisho garoonka Aadan Cabdulle Cusmaan ayeyna ka qaaday Diyaaradaasi maalmo ka hor Wasiirka Batroolka Dalka C/risaaq Cumar Maxamed.

Kulamo qarsoodi ah ayaa ka dhacay kuwo kalane waa ay harsan yihiin kana socda Dubai,waxaana ceelal shidaal ay ka qodaneysaa Xukuumada Abu Dhabi,aagga Xeebta Baraawe Oo KGS ah iyo Hobyo oo Galmudug ah ayeyna aad uraadineysaa Imaaraadka Carabta inay qodato shidaalka ku jira.

Akhbaaraad kale ayaa sheegeysa in UAE ay wakhti badan oo qiyaastii 50 sano ah raadineyso in loo saxiixo ceelasha shidaal Ee Soomaaliya balse weli aan la saxiixin heshiiskaasi.

Todobaadkaan warsaxaafadeed kasoo baxay Dawlad gobolleedka Puntland ayaa waxay si cad uga hortimid xaraash lagu sameeyo Shidaalka Soomaaliya iyadoo aan is aragti laga aheyn qaabka loo qeyb sanayo kheyraadka shidaalka ka mid yahay.

Balse waxay umuuqataa in shidaalka beec geyntiisa iyo shirkadaha shisheeye ee loo saxiixayo iyadoo aan go’aan mid ah laga aheyn Dawladda Dhexe iyo Dawlad gobolleedyada xubnaha ka ah Federaalka,xitaa Shacabka lala wadaagin Baarlamaankana aysan meel marin heshiisyadaasi la doonayo ka hor aan la hor geynin.

Sida la dareemayo Turkiga ayaa safarkii uu ku tegay bilowgiisii xukunka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu kaga baxay qorshe ay Xukuumada Ankara ku dooneysay in iyada loo xiro shirkadaha qodista shidaalka Soomaaliya,waxaase tan ay hadda muujineysaa in Imaaraadka Carabta ay la wareegeyso qandaraaska Xaraashka Soomaaliya iyo shidaalkeeda.

Weli Xukuumadda Soomaaliya kama aysan hadlin wararka la ogaaday ee ku aadan shidaal qodista Soomaaliya iyo xaraashka ay Villa Soomaaliya amartay in la sameeyo.

Warqaad.