DEDEG Qarax aad u xooggan oo ka dhacay Hotel u dhaw madaxtooyada Jowhar

Wararka Gudaha iyo Dibbada

JOWHAR-AYAAMAHA-Qarax aad u xooggan ayaa ka dhacay gudaha magaaladda Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhaxe, gaar ahaan hotel lagu magacaabo Nuur doob oo inta badan ay dagaan madaxda dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Wariyayaasheena magaaladda ayaa soo tabinaya in qaraxa uu ahaa mid aad u xooggan, oo laga maqlay guud ahaan magaaladda Jowhar, isla markaana uu ka dhashay khasaare xooggan.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay qaraxa ayaa jira, waxaana haatan socda gurmad loo sameeynayo dadka ku waxyeeloobay qaraxa.

Goobaha caafimaadka iyo laamaha amniga ayaa wada gurmad loo sameynayo dadka ay waxyeelada ka soo gaartay qaraxa.

Dadka ilaa iyo hadda ku dhaawacmay qaraxa ayaa lasoo warinayaa iney ku jiraan Xildhibaano iyo wasiiro katirsan dowlad goboleedka Hirshabelle.