DEG DEG:- Abaabul Xoogan oo caawa ka socoda Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Magaalada Muqdisho wxaaa caawa ka socoda olole la doonayo in dib loo dhigo doorashada Guddoonka Baarlamaanka Labada Aqal, kaas oo abaabulkiisa ay wadaan Madaxweynayaal Dowlad Goboleed iyo Madaxtooyada Villa Somalia.

Madaxweyne Farmaajo, madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen iyo Axmed Kaariye Qoorqoor ayaa la sheegay inay caawa wadaan dhabarjibin ku saabsan sidii doorashada Guddoonka Baarlamaanka ay dib ugu dhigi lahaayeen si uu uga qeyb galo saaxibkoodii Fahad Yaasiin oo la ciilay loona diiday in la siiyo shahaadada Xildhibaanimo.

Arrintaan ayaa loo adeegsanay xildhibaano ka tirsan labada Aqal oo si kala gaar gaar ah loola kulmaya laguna bilaabay aragti iyo in lala hadlo, si ay kulanka berri u fashiliyaan, si dib ugu dhacdo jadwalka doorashada Guddoonka Baarlamaanka.

Guddiga doorashada Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa maalinta berri horkeeni doona Baarlamaanka xeerka doorashada Guddoonka labada Aqal oo la qorsheynayo in bishan gudaheed lagu qabto.

Hadii ay arrintaan dhacdo oo berri buuq lagu furo kulanka xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlmaanka 11-aad, waxaa mooqan doono in Fahad Yaasiin weli ku dhex noolyahay siyaasada lana dhayelsan karin awoodiisa siyaasadeed ee la sheegay in Rooble uu wiiqay.