DEG DEG:- Ahlusunna oo dib ula wareegaty Guriceel.

DHUUSAMAREEB-AYAAMAHA-Dagaal Qaraar oo waxba aan la iskula harin oo galabtay ilaa caawa fiidkii hore ka dhacay Guriceel kaasi oo dhex maray Ciidanka Galmudug iyo Kuwo Dowladda Federaalka oo dhinac ah iyo Ciidanka Ahlusunna ayaa sababay Khasaare baaxad leh oo isugu jira Dhimasho iyo dhaawac.

Ciidanka Ahlusunna oo helay gurmad kaga yimid Deegaanka bohol ayaa dib ula wareegay Saldhiga booliska Guriceel iyo Xarunta Degmada iyo Xaafadda Tuulo gaban oo maanta galinkii hore laga qabsaday iyadoo Ciidanka Dowladda intooda badan ay kusugan Yihiin Xaafado Kuyaala Dhinac Koonfureed Magaalada Guriceel isugu tageen.

Dhanka Ciidanka Dowladda iyo Kuwo Galmudug waxaa soo gaaray Gurmad xoogan oo kaga yimid Dhuusamareeb iyo Matabaan waxaana Wali Kacsan Xaaladda Guriceel.