DEG DEG:- Ahlusunna oo dib ula wareegtay goobihii saaka laga saaray iyo saldhiga Degmada oo…

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidamadda Dowladda ayaa la wareegay Saldhigga Degmadda Guriceel iyo Xarunta degmadda, waxaana hadda la arkayaa Gaadiidkooda dagaalka oo wadada laamiga dhexmaraya.

Dhanka kale waxaa wali dagaal culus oo saacado badan qaatay ka socdaa dhanka Waqooyi gaar ahaan Ceel Cali Faarax iyo dhanka berri ee Jaamacadda oo ah fariisimaha ay wali joogaan Ahlusunna.

Xoogaga Ahlusunna ayaa inta badan dib u qabsaday xaafadihii ay saakay soo galeen Milateriga Soomaaliya ee magaalada Guriceel.

Dagaalka ayaa aad u xoogeestay waxaana la soo warinayaa dhimasho iyo dhaawac badan.

Dhanka kale madaafiic habaawga ah ee labada dhinac isku tuurayaan ayaa ku habsadey goobo ganacsi, xarumo Caafimaad iyo xaafado dad shacab ah daganyihiin oo ay Dhaawacyo iyo burburbo ka dhasheen.