DEG DEG: Al-Shabaab oo dib u qabsatay Camaara iyo Bacaadweyne

MUQDISHO-AYAAMAHA-Kooxda Al-Shabaab ayaa dib u qabsaday deegaano dhowr ah oo ka mid ah gobolka Mudug, oo ay ka mid yihiin Bacaadweyne iyo Camaara.

Al-Shabaab ayaa qabsashadan u suurta-gashay kadib markii deegaanadaas ay ka baxeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta Galmudug.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in halkaas ay hadda ku sugan yihiin maleeshiyo badan oo aad u hubeysan oo kooxdan ka tirsan.

Al-Shabaab ayaa war ay soo saartay ku sheegatay in deeganada ay qabsadeen aysan ku koobneyn oo kaliya Bacaadweyne iyo Camaara, balse ay sidoo kale la wareegeen gacan ku haynta deegaanada Qaycad, Shabeellow, Sabeena, Gowraca, Gaadaay iyo Laas Gacamaye.

Deegaanada Bacaadweyne iyo Camaara ayaa toddobaadyadii tegay waxaa dagaallo dhowr ah ay ku dhexmareen ciidamada qaranka iyo maleeshiyada Al-Shabaab, ayada oo dhowr jeer gacan ku hayntooda ay ku kala wareegtay labada dhinac.