DEG DEG:- Baarlamaanka Soomaaliya oo ansaxiyey xukuumada cusub ee RW Xamza

MUDISHO-AYAAMAHA-Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansaxiyey xukuumada cusub ee RW Xamza Cabdi Bare oo uu soo magacaabay talaadadii lasoo djaafay.

Tirada xildhibaanada hoolka baarlamanka joogay ayaa waxay ka koobanaayeen 229 Mudane, waxaa codka siiyey 219 xildhibaan, waxaana diiday 7 xildhibaan halka 2 xildhibaan ay ka aamuseen.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa ku dhawaaqay natiijada islamarkaasna uu amray in la dhaariyo Wasiirada cusub ee kalsoonida la siiyey. Guddoomiyaha Maxkamada sare ayaana dhaariyey.