DEG DEG- Banaanbax markale ka billowday qeybo kamid ah Muqdisho.

Waxaa haatan banaanbax ballaaran uu ka socdaa isgoyska taleex ee Magaalada Muqdisho.

Dadka banaanbaxaya oo maalihii dambe waday dibadbaxyadaan ayaa doonaya inay cadaalad helaan dadkii shacabka ahaa ee AMISOM ay ku xasuuqday Gobolka Shabeelada Hoose.

Dadkaan oo wata boorar ay ku qoran yihiin “cadaalad ayaan rabnaa” ayaa waxay banaanbax ballaaran ka dhigayaa Tripiano ilaa Km4 ee Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa xalay ka hadlay dadka shacabka ah ee ay xasuuqeen AMISOM, isagoo gudi u saaran.

AMISOM ayaa si toos ah u qiratay inay ka dambeysay shacabka lagu xasuuqay Shabeelada Hoose.