DEG DEG:- Beesha Caalamka Oo War Xasaasi Ah Soo Saartay.

MUQDISHO-AYAAMAHA- Bayaan Wadajir ah oo kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa waxay ku baaqeen baahida loo qabo inay kulmaan Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, iyagoo walaac ka muujiyay is afgaran waaga hadda ka taagan hirgelinta doorashooyinka 2021.

“In la billaabo hannaan is barbar socda ama in la isku qasbo guddiyada maareynta doorashada ee lagu muransan yahay ee aan buuxin shuruudihii lagu heshiiyey waxay wiiqeysaa sharcinimada hannaanka doorashada waxayna abuureysaa xasillooni darro”ayaa lagu yiri bayaanka.

Waxaa ay ku baaqeen is afgaran waaga taagan in lagu xalliyo qaab ixtiraamaya heshiiska siyaasadeed ee la gaaray 17 bishii September iyo hab maamuusyada hirgelinta ee ay wada saxiixdeen madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada.

“Waxaan mar kale ku celinaynaa baaqii aan u jeedineyno madaxda Dowladda Federaalka iyo DXF inay si deg deg ah dib u kulmaan ayna la xiriiraan saamilleyda kale si loo xalliyo tabashooyinka ku saabsan maareynta geedi socodka doorashooyinka iyadoo lagu xallinayo isafgarad wadar ogol ku dhisan si ay dhacdo doorasho waqtigeeda ku dhacda, daah furnaan, oo kalsooni lagu qabo oo oo ay wada aqbalaan dadka Soomaaliyeed iyo dhammaan daneeyayaasha muhiimka”

Labada maamul ee Jubbaland iyo Puntland ayaa diiday inay soo magacaabaan guddiga doorashooyinka ee heer federaal, waxayna sharuud uga dhigeen in dowladda federaalka kabaxday go’aankii ka soo baxay shirkii Dowladda federaalka iyo madaxda maammul goboleedyada.

Maamulka jubbaland ayaa sheegay in dowladda federaalka ay diiday in ciidankii ay gaysay Gobolka Gedo kala baxdo Gobolkaas, sidaas darteedna ay u diideen inay magacaabaan Guddiga isku dhafka ah ee doorashooyinka heer federaal.