DEG DEG: Beesha Caalamka war cusub kasoo saartay khilaafkii Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Beesha Caalamka aya war saxaafaded wadajir ka soo saaray khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, iyagoo sheegay inay aad ugu walacsan yihiin khilaafka Farmaajo iyo Rooble.

Beesha Caalamka ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin in khilaafka sii kordhaya ee u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha
Muqdisho uu wiiqi doono xasilloonida Soomaaliya isla markaana uu carqaladayn doono geeddi-socodka doorashada.

“Waxaan ku boorinaynaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha inay si degdeg ah u xalliyaan khilaafkooda, ayna ka fogaadaan isweydaarsiga qoraalada guud ee aan waxtarka u lahayn bulshada iyo ogeysiisyada hawlwadeennada, ayna dib diiradda u saaraan sidii loo soo gabagabayn lahaa doorashooyinkii waqtigooda dib uga dhacay iyadoo aan dib u dhac kale dhicin”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka.

Hal sano ayaa ka soo wareegatay heshiiskii doorashada 17 September iyo magacaabidii Ra’iisul Wasaare Rooble.