DEG DEG: Booliska Soomaaliya oo bandow kusoo rogay Muqdisho

Wararka Gudaha iyo Dibbada

MUQDISHO-AYAAMAHA-Taliska Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay Bandow lagu soo rogay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, kaasi oo socon doona inta doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka ka dhammaaneyso.

Afhayeenka Booliska Cabdifitaax Aadan Xasan oo shir Jaraa’id goor dhow u qabtay warbaahinta ayaa sheegay in Bandowga lagu soo rogay Magaalada Muqdisho uu bilaabanayo Caawa saacada markii ay tahay 09:00 PM, kuna egyahay maalinta Isniinta 06:00 Arroornimo.

Wuxuu sheegay Afhayeenka in gebi ahaan la joojinayo isku socodka gaadiidka iyo dadka ee Muqdisho, isla markaana la xirayo dhammaan waddooyinka Magaalada iyo Suuqyada dadka ka adeegtaan ilaa laga gaaro maalinta Isniinta  oo ay taariikhdu tahay 16-ka May.