DEG DEG:- Booto Bajaaj hub siday oo Muqdisho lagu qabtay.

Ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa burburiyay Shabakad Shabaab ah, oo Argagixisadu u qorsheeyeen inay falal amni Daro ay ka gaystaan magaalada Muqdisho.

Ciidamada Ammaan ayaa gacanta ku dhigay xubno ka tirsan Shabakada Argagixisada ah, Hubkoodii iyo Mooto Bajaaj ay ugu talagaleen inay ku baxsadaan marka ay dhibka gaystaan.

Ciidamada ammaan ayaa howlgalkaan sameeyay ka dib markii ay heleen xogo dhamaystiran, waxaana wali jira dhagar qabayaal ka tirsan Argagixisada oo baxsad ah kuwaasi oo ay ku daba jiraan ciidanka ammaanka.