DEG DEG:- Buuq iyo fowda oo ka taagan Xaruunta Golaha Shacabka

MUQDISHO-AYAAMAHA-Buuq iyo fowda ayaa xiligan ka taagan kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya oo ah kulankoodii  6-aad ee Kafadhigga 3-aad waxaana la horgeeyay mooshin oo ay keeneen 30 xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka

Xildhibaano tiradooda gaareyso illaa 30 xildhibaan ayaa dalbaday in ajendaha lagu kordhiyo ajenda kale oo ay ku sheegeen isla xisaabtan iyo habsami u socodka Golaha.

Xildhibaan Yuusuf Gama’diid oo ka hadlayey kulanka Baarlamaanka ayaa sheegay in la joojiyo ajandaha buuqa dhaliyey, wasiirka amnigana la fasaxo si fowdada iyo buuqa ka dhex bilowday Baarlamaanka loo yareeyo.

Mooshinkan oo loo gudbiyay Afhayeenka Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe ayaa ku saabsanaa in ajendaha kulanka maanta lagu kordhiyo mooshin ku aadan la xisaabtanka iyo habsami u socodka howlaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Sidookale xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah xubnaha saxiixay mooshinka ayaa madasha ka hadlay, wuxuuna eed u jeediyay guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka.

Arrinta ayaa weli isku cakiran, waxaana socda dood xoogan oo dhexeyso xildhibaanada Baarlamaanka iyo guddoonka sare ee Golaha Shacabka Soomaaliya.

Wasiirka amniga ayaa la filayaa inuu ka baxo xaruunta golaha wasiirka maadaama xildhibaanada ay sameynayaa buuq iyagoo ka istaagay koraastii ay ku fadhiyeen waxayna iskugu tageen miiska guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe.