DEG DEG:- C/weli Muudey oo loo diiday inuu ka dhoofa Garoonka Aadan Cadde

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddoomiye Kuxigeenkii 1aad C/weli Muudey ayaa loo diiday inuu ka duulo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, isaga oo ku sii jeeday Baraawe, si uu ugu tartamo kursiga uu ku fadhiyo oo loo xiray Maxamedweli C/llaahi Sheekh oo reer Australia.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Maamulka Koonfur Galbeed uu diiday in Cabduweli Muudeey uu tago Baraawe maadaama uu watay Ciidamo farabadan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in isku dayga lagu celiyay C/weli Muudey uu ka dambeeyo La Taliyaha Amniya Qaranka Fahad Yaasiin oo quudareynaya inuu tartamo booska Guddoomiye kuxigeenka 1aad

C/weli Muudey iyo ciidamo Ilaalo u ah ayaa hadda ku sugan qeybta VIP-da Garoonka diyaaradaha, waxaana diyaaradda qaadi laheyd lagu armay in aysan ka bixi karin garoonka.