DEG DEG: Cabdi Xaashi oo markale ku guuleystay Gudoomiyaha Aqalka Sare

MUQDISHO-AYAAMAHA-Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socoto doorashada guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare iyo labadiisa kuxigeen, iyada oo ay ku tarmaeen ilaa Saddex Mushrax.

Guud ahaan Aqalka Sare ayaa ka kooban 54 Mudane oo dhammaantoodba Goobta doorashada ku sugnaa , waxaana doorashada Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ku tartamay Cabdi Xaashi Cabdillaahi, Saalax Axmed Jaamac iyo Cusmaan Abuukar Dubbe, waxaana  guuleystay

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ayaa waxaa ku guulesytay Cabdi Xaashi Cabdilaahi isagoo helay 28 halka  Senator Saalax Axmed Jaamac uu helay 24 Cod iyo Cusmaan Abuukar Dubbe  isna helay 2 Cod majirin cod halaabay.

Waxaa sidoo kale la billaabay doorashada Guddoomiye Ku Xigeenka Aqalka Sare oo ay ku tartami doonaan musharrixiinta kala ah, Senoter Cabdixakiin Macalin Axmed & Senoter Cali Shacbaan Ibraahim.