DEG DEG:-Cali Guudlaawe oo tagaya Beledweyne xili Generaal Xuud uu joogo Muqdisho.

BELEDWEYNE-AYAAMAHA-Warar aan helnay ayaa sheegaya in madaxweynaha Hirshabeele Cali guudlawe iyo wafdi uu hogaaminayo ay ku wajahan yihiin magalada baledweyne xili general xuud uu Muqdisho ku maqanyahay

Safarka Madaxweyne guudlaawe waxaa si aada uga shaqeeynaya xubno musharaxiinta oo kuraasta aqalka hoose u wadato dowlada Soomaaliya kuwaas oo ku sugan Magaalada Beledweyne, iyo madaxweyne ku xigeeynka Hirshabeele Yusuf Dabageed.

Magaalada Beledweyne waxaa gelinkii danbe ee maanta ka qabsoomay shir looga hadlayay amaanka kaas uu shir gudoominayay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali jeyte cismaan waxaana lagu wadaa in Ciidamada Dowlada iyo kuwa amisom lagu daadiyo Xaafadaha Magaalada si looga hortago Kacdoonka hubeeysan ee diidan tagitaanka Madaxweyne Guudlaawe, iyo Mudaharaadyo ay suuragal tahay in ay ka dhacaan Magaalada kuwaas oo ay dhigayaan shacabka cabashada ka qaba habkii loo maray dhismihii 2-aad ee Maamulka Hirshabeele taas oo wax looga badalay awood qeybsigii hore.

Tegitaanka Madaxweynaha Hirshabeele Cali guudlaawe Xuseen ee Beledweyne ayaa imaanaya Xili uu Muqdisho ku suganyahay Janaraal Abuukar Xuud oo loo Arko shaqsigii Hortaagna tegitaanka Cali guudlaawe ee Beledweyne, kaas oo fashiliyay Safaro kala duwan oo Madaxweynaha Maamulkaasi ku tagi lahaa Beledweyne.

Hadaba su,aasha is weyndiinta mudan ayaa ah Hadii Cali Guudlaawe tagayo Beledweyne, ma xuud ayaa ahaa awoodda, iyo abaabulka Hortaagnaa mase waxa ay aheyd Kacdoon Bulsho oo jiri kara Janaraal Xuud la,aantiis? Koleey waa arin kala cadaaneeysa maalinta berriya.