DEG DEG:- Ciidamada Ahlusunna oo caawa markale la wareegay qeybo kamid ah Guriceel.

DHUUSAMAREEB-AYAAMAHA-Ciidamada Ahlusunna ayaa weerar rogaal celis ah galabta kula wareegay goobo badan oo ay horay uga qabsadeen ciidamada dowlada iyo kuwa galmudug oo isku dhinac ah sidoo kale waxaa iyana ciidamada dowladu caawa ku sugan yihiin goobo muhiim ah oo ay kamid yihiin Saldhiga booliiska iyo aaga xarunta hotumuud ilaa dhanka koonfureed ee magaalada.

Ciidamada Ahlusunna ayaa dhankooda ku sugan xarumo badan oo ay kamid yihiin xarunta beder2, jaamacada, iskuulka Al-mamuun, koontaroolka dhinaca dhuusamareeb iyo guud ahaan jihada waqooyi ee magaalada guriceel.

Dagaalka maanta ka dhacay magaalada guriceel waxaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac labada dhinac ah waxaana dagaalka xoogiisu uu dhacay galinkii dambe ee maanta oo ay soo rogaal celiyeen Xoogaga Ahlusunna.

Si kastaba dagaalka guriceel ayaan la ogeyn cida ku gacan sareyn doonta wallow ay haatan magaalada iskula jiraan labada dhinac