DEG DEG:- Ciidamada Ahlusunna oo Maanta la wareegay degaan ku dhow Dhuusamareeb

Ciidanka Ahlusuna
Ciidanka Ahlusuna

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidanka Ahlusunna Waljameeca ayaa goordhaweyd la wareegay deegaan hoostega Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug, kadib markii ay halkaas isaga baxeen Ciidankii Galmudug ee horey u joogay.

Ciidanka Ahlusunna ayaa la wareegay gacan ku heynta deegaanka Ceeldheere oo Dhuusamareeb u jira qiyaastii 30 KM, isla markaana waxaa halkaas isaga baxay Ciidamadii Galmudug ee joogay oo u dhaqaaqay dhanka Caasimadda Maamulka.

Dadka deegaanka Ceeldheere ayaa soo weriyey in Ciidanka Ahlusunna ay gudaha u soo galeen deegaanka iyaga oo wata gaadiidka nooca dagaalka, ayna farriisimo ka sameeysteen Saldhiga Booliska iyo goobaha kale ee gaadiidka lagu hubiyo.

Ciidanka dib loo abaabulay Ahlusunna ee Waljameeca ayaa shalay si nabad ah kula wareegay Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, iyagoona halkaas ay kusoo dhaweeyeen qeybaha kala duwan ee Bulshada, waxaana ay sheegeen inay yihiin Ciidankii horey uga shaqeyn jiray Magaalada.

Ciidanka Ahlusuna
Ciidanka Ahlusuna