DEG DEG:- Ciidamada Galmduug iyo kuwa Dowladda oo hareereyey Guriceel

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Galmudug oo ka dhadhaaqay fariisimohoodii hore ayaa gaaray tuulada Ceel-Sadiiq oo guriceel ujirta qiyaastii 16-km, kuna beegan inta u dhexeysa ceeldheere iyo Guriceel.

Sidoo kale Ciidamo kale oo ka tirsan kuwa GorGor ayaa fariisimo ka sameyatay deegaanada Bali-cad iyo Dumaaye, waxaa sidoo kale inta u dhexeysa oodaale iyo Guriceel dhaqaaq ka soo sameeyay Ciidamo uu wato gudoomiyaha guriceel Anas Cabdi Macalin oo isna mudooyinkan halkaa ka waday abaabul balaaran.

Degmada Guriceel oo ay joogto kooxda hubeysan ee Ahlusunna ayaa laga dareemayaa xiisad ka dhalatey howlgalkan, waxaana muuqata in dadkii magaaladan ku harey ay saakay bilaabeen in ay baneeyaan aqaladooda xili ay muuqato in kooxda Ahlusunna wado tabaabusho iyo difaacyo hor leh oo ay ka qoteen xaafado cusub oo Magaalada ka mid ah.

Dhanka kale ciidamada Ahlu-Sunna ayaa dhaqdhaqyo wado kuwaa oo sheegay iney iska difaacayaan ciidamada dowladda.