DEG DEG:- Ciidamada Puntland oo hareereeyey wasiirkii qorsheynta Qaran.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xaalad Jahawareer ah aya ka taagan Agagaarka garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe, ka dib markii uu halkaas tagay Wasiirka Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya Xil, Jamaal Maxamed Xasan, oo doonayay in uu gaaro magaalada Dhahar ee laga soo doorto.

Ciidamada ilaalada wasiirka oo kayimid Dhahar iyo ciidanka Puntland ayaa isku hortaagan agagaarka garoonka diyaaradaha, iyadoo ay Puntland diidan tahay in wafdiga wasiirka ay u gudbaan magaalada Dhahar ee uu kasoo jeedo, halkaas oo kulan kula leeyahay Odayaasha dhaqanka ee beeshiisa,xili loo diyaaro garoobayo doorashooyinka golaha shacabka.

Subaxnimadii hore ayaa la diiday in dad soo dhaweyn lahaa Wasiirka & Wariyayaal ay tagaan Barxadda Garoonka diyaaradaha ee qeybta soo dhaweynta loogu talo-galay.