DEG DEG: Ciidanka dawladda, kuwa galmudug iyo Ahlusunna oo dagaal culus dhexmaraya Guriceel.

MUQDISHO-AYAAMAHA-War goordhaweyd kusoo dhacay warqabadkeena ayaa sheegaya in ciidamada dawlada iyo kuwa galmudug ay barqanimadii ay dib uqabsadeen degmada guriceel ee gobolka gal gaduud.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii ciidamada dawladda ee kulaalayay magaalada ay damceen inay galaan xaafado ka tirsan Guriceel halkaas oo iska caabin ay kala kulmeen xooggaga Ahlu-Sunna ee horey gacanta ugu hayay Guriceel.

Labada dhinac ayaa wali ku dhex dagaalamaya magaalada iyadoona aysan jirin cid wali si buuxda ula wareegay gacan ku heynta magaalada.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidanka dowladda ay gudaha u soo galeen magaalada ayna ka dagaallamayaan qeybo ka mid ah Xaafaddaha oo markii hore ay joogeen Ahlusunna.

Warar ayaa sheegaya ciidamada ahlusuna ay kusugan yihiin meelo ka mid ah xaafado guriceel ku yaalla xilli saldhga degmada ay ciidamada dawlada iyo kuwa galmudug ay la wareegeen.