DEG DEG:- Ciidmada dowladda iyo kuwa Galmudug oo qarka u saaran Guriceel.

DHUUSAMAREEB-AYAAMAHA-Ciidamo ka baxay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ayaa gaaray Waqooyiga magaalada Guriceel oo maalmo ka hor gacanta u gashay Ahlusunna.

Cutubyadii ugu horeeyay ee Ciidamada Dowlada iyo kuwa Galmudug oo ay hoggaaminayaan madaxda Maamulka Guriceel ayaa gaaray deegaanada Waqooyi ee Guriceel.

Wararku waxay sheegayaan in qorshuhu yahay in ciidamadaan oo ka socda dowladda Soomaaliya ay gacanta maamulka ku soo celiyaan Guriceel iyo degaanada ku teedsan.

Dad badan ayaa ka barakacay Degmada Guriceel halkaas oo laga cabsi qabo inuu dagaal ka dhaco.