DEG DEG:- Dagaal hadda ka socda Gobolka Shabeellaha Hoose

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in tuulooyin u dhow degaanka Bariire uu ka socdo dagaal u dhaxeeya Ciidanka dowladda iyo Al-Shabaab.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa waxaa ay sheegayaan in weli uu dagaalka ka socdo halkaas, isla markaana uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay dagaalka.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Ciidanka dowladda ay weerar ku qaadeen Tuulooyinka Nuun Gare iyo Tawakal oo Xarumo waaweyn ku leeyihiin Ururka Al-Shabaab.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in howlgalka ka dhan ah Al-Shabaab ay ka wadaan tuulooyinka u dhow degaanka Bariire, isla markaana ay burburinayaan Maxkamad ay Al-Shabaab ku leeyihiin degaannada Nuun Gare iyo Tawakal.