MUQDISHO-AYAAMAHA-Dagaalka oo u dhaxeeya Ciidamada Ammaanka degmada Baraawe & maleeshiyaad hubeysan ayaa waxaa uu ka socdaa dhabarka dambe ee Hoyga Guddoomiyaha degmadaas Cumar Sheekh Cabdi Safaana.
Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii maleeshiyaad hubeysan oo kasoo horjeeda doorashada Golaha degaanka ay dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka billaabeen agagaarka Hotelka ay ka socoto doorashada.
Wararka la helay ayaa sheegaya in maleeshiyaadka ay sidoo kale ka careeysan yihiin Nin ka tirsanaa oo ku dhintay dagaal bil ka hor ka dhacay degmadaas , balse, iyada oo aan xal laga gaarin la bilaabay doorashada Golaha degaanka.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in gebi ahaan ay xiran yihiin dhamaan goobaha Ganacsiga degmada, isla markaana Bulshada ay dareemayaan cabsi xoogan.