DEG DEG:- Dhaqaalahii loo uruurinayey dhismaha Guriga Madaxweyne Hore Farmaajo oo la qorshanayo in la xanibo.

Wararka Gudaha iyo Dibbada

MUQDISHO-AYAAMAHA-Hay’ada Sirdoonka iyo Nabad sugida Soomaaliya ayaa la sheegya inay daba gal ku bilaabeyso lacagaha la sheegay in loo uruurinayo guriga loo dhisayo Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Agaasimaha NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa la sheegay inuu guddi gaar ah usaaray la socodka dhaqaalahaasi bankiyada dalka akoono ka mid ah lagu soo dirayo.

Lama oga tallaabadaan inuu wax ka og yahay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo in Taliska NISA keliya ay gaar u tahay.

Hay’ada NISA ayaa la xasuustaa in xilligii shirado badan oo Forex ahaa ay xireen kadib markii dacwad loo soo gudbiyey oo ku saabsaneyd in Forex ay dad badan dhaceen.

Haatan lacagaha Farmaajo loo aruurinayo ee aan la ogeyn halka rasmiga ay ku dhaceeyso iyo waxa laga yeeli doono ayey NISA baaris ku sameyn doontaa sida aan xog ku helnay.

Guddiga qaabilsan dhaqaalaha loo uruurinayo guri dhiska Farmaajo ayaa waxay sheegeen in lacag ka badan Hal milyan dollar ilaa haatan lasoo diray oo ay gacanta ku hayaan..