DEG DEG:- Fahad Yaasiin oo dilkii Ikraan Tahliin dusha u saaray RW Rooble iyo Al-cadaala.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Agaasimihii hore NISA Fahad Yaasiin ayaa dilkii Ikraan Tahliil dusha uga tuuray Ra’iisul wasaare Rooble, Agaasime Mahad Salaad iyo Wasiir Al Cadaala.

“Gabadhaan waxaa marka hore la geeyay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Waxey ahayd shaqo doon. Kadib Mahad Salaad ayaa gaari kusoo qaaday, waxaana la geeyay Daarusalaam. Kadibna Jilib ayaa lasii geeyay halkaas ayaana lagu dilay. Waxaana dilka fuliyay Mahad Karataay oo xiriir dhow leeyihiin Mahad Salaad.

Fahad oo sii hadlaaya ayaa yiri “Gacanta fulisay dilka Ikraan Tahliil waxaa lahaa Mahad Salaad. Farsamadana waxaa lahaa Al Cadaala. Maskaxdana waxaa lahaa Rooble. Dilkana waxaa geystay Al Shabaab. Aakhiro waxaa la weydiin doonaa Insha Allah RW Rooble. Gabdhaan waxaa dilkeeda ka dambeeyay sadaxdaas rag iyo Al Shabaab”

Arrintaan ayaa dad badan la yaab ku noqotay, waxaana hadalkiisa loo arkaan mid dagaal toos ah la galay Rooble iyo saaxibadiisa oo markii horeba ugu adkaaday dagaalka siyaasada iyo doorashadii loogu guuleystay MW hore Farmaajo.