DEG DEG:-Fahad Yaasiin oo laga qaaday ilaaladiisa gaarka iyo cabsi soo wajahday.

Wararka Gudaha iyo Dibbada

MUQDISHO-AYAAMAHA-Agaasimaha cusub ee hay’adda NISA Mahad Salaad ayaa la sheegay in uu maanta amray in ay dib usoo laabtaan ciidamo katirsan NISA oo ilaalo ka ahaa guriga Fahad Yaasiin oo ku dhax yaalo Xeyndaabka Villa Somalia. Ciidamada ilaalada u ahaa Fahad Yaasiin ayaa watay 2 gaari oo nuuca dagaalka ah, waxaana gaadiidka iyo ciidankaba la geeyay taliska Hay’adda ee Habar Khadiijo.

Illaa 30 askari oo ka tirsan Ciidanka NISA iyo labo gaari dagaal oo aheyd ilaalada gaarka ah ee hoyga Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin ayaa lagu amray inay ku soo xaroodaan xarunta Taliska NISA, kaddib amar ka soo baxay Agaasimaha cusub ee NISA Mahad Salaad.

Warka ayaa sheegay in weeraray guriga Fahad Yaasiin ee ciidanka ku sugnaa balse si rasmi ah looma cadeyn karo. waa amar ka soo baxay Agaasimaha cusub ee NISA Mahad Salaad lagu amray in Ciidamada ay ku soo laabtaan shaqadoodii hore, maadaama ay ka mid yihiin Ilaalada Taliyaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hore u sheegay in uusan marna aargudasho siyaasadeed ku sameyn doonin dhamaan dadkii ka aragtida duwanaa, halka wixii dacwo ahna sharciga loo mari doono, hase yeeshee arrintaan ayaa u muuqato talaabo ka duwan balan qaadkii Madaxweynaha.