DEG DEG:- Fahad Yaasiin oo laga reebay Liiska Xildhibaanada cusub ee golaha Shacabka

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddiga Doorashada Heer Federaal ee FEIT iyo Xoghayayaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ku dhawaaqay natiijada doorashada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee ka dhacday Shanta Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Liiska Xildhibaannada laga soo doortay dowlad Goboleedyada ayaa la soo bandhigay, Liiska Xildhibaannada la shaaciyay ee Hirshabelle ayaa waxaa laga saaray Fahad Yaasiin Taliyihii hore NISA oo horay kursigiisa uu hakiyay Guddiga FEIT.

Sidookale liiska Xildhibaanada baarlamaanka 11-aad ee lashaaciyey xubnaha ka maqan waxaa kamid ah Fahad Yaasiin Xaaji iyo 3 xubnood oo deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed.

Afarta kursi ayaa horay waxaa u joojiyay doorashadooda Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Federaal balse waxaa diiday maamulada qaar.

Lama oga tallaabada uu qaadi karo Fahad Yaasiin iyo kooxdiisa NABAD IYO NOLOL ee uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo.