DEG DEG:- Farmaajo iyo Rooble oo heshiiyey iyo laftagareen oo ka hadlay.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Jamhuridaada Fedweraalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble  oo wada hadal yeeshay ayaa xal ka gaaray arrimihii lagu kala aragti duwanaa, iyagoo soo saaray war-saxaafadeed ku saabsan qodobbadii lagu heshiiyay.

War-saxaafadeed ay soo saareen kulanka kadib ayaa waxaa lagu sheegay in dhinacyadu ay heshiisa gaareen, waxaana xal buuxa lag gaaray waxyaabihii lagu kala aragtida duwanaa.

Waxyaaabha lagu heshiiyay ayaa waxaa ka mid ah.

  1. Wasiirka Amniga inuu shaqadiisa sii wato.
  2. In Bashiir Goobe loo magaaco wasiiru dowle.
  3. Yaasiin faray inuu sii ahaado ku simaha Hay’adda NISA, inta Madaxqeyne Farmaajo kusoo magacaabayo Taliye iyo Taliye ku xigeen, kadibna lasii marsiiyo Golaha Wasiirada si Farmaajo uu digreeto ugu soo magacaabo.
  4. In kiiska Ikraan Tahliil loo daayo Hay’adaha cadaalada gacana ay ka siiyaan Hay’adaha Amniga.

Sidookale Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Maxamed Laftagareen, ayaa ammaanay heshiiska madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha dalku ka gaareen arrimihii ay isku hayeen, isagoo u mahadceliyay cid kasta oo kaalin ku lahayd heshiiskan.

Waxaa uu sheegay inay ka soo shaqeeyeen sidii loogu heshiin lahaa khilaafkii ka dhashay Hay’adda NISA. Wuxuuna amaanaay doorka Ra’iisul wasaare ee heshiiska iyo sidookale Madaxweyne Farmaajo oo uu lahaa tanaasul badan sida uu sheegay Laftagareen.

Inta badan Shacabka Soomaaliyeed ayaa aad u soo dhaweeyey heshiiskaan, ayagoo markii hore ka rajo dhigay inay heshiiyaan madaxda dalka ugu sarreysay oo isku haystay wax aan micno laheyn xili lagu guda jiro doorasho.