DEG DEG: FBI-da Mareykanka oo baareysa Guriga madaxweyne Biden

Wararka Gudaha iyo Dibbada

MUQDISHO-AYAAMAHA-FBI-da Mareykanka ayaa baaraysa guriga madaxweyne Joe Biden ee Delaware taasoo qeyb ka ah baaritaanka dukumentiyada sirta ah, ayuu yiri qareenkiisa.

War qoraal ah oo uu soo saaray qareenka Mr Biden ayuu ku sheegay in baaritaanka uu ahaa mid qorsheysan iyadoo howlgalku uu yahay mid uu madaxweynuhu si buuxda u taageerayo.

CBS ayaa ka warbixisay in baaritaanku uu la xiriiro baaritaan ballaaran oo lagu maareynayo dukumentiyada qarsoodiga ah.

FBI-da weli kama aysan hadlin baaritaanka.

Maadaama baaritaanku ahaa mid la isku raacay, ma jirin wax ogolaansho ah oo la arkay.

Qareenka Mr Biden, Bob Bauer, ayaa sheegay in baaritaanka la sameeyay iyadoon ogaysiis hore loo siin dadweynaha iyadoo loo eegayo amniga howlgalka iyo daacadnimada.

Baaritaanka ayaa ah kii ugu dambeeyay ee taxane ah oo laga sameeyay meelo kala duwan, ka dib markii laga helay dukumeenti sir ah Xarunta Penn Biden oo ku taal Washington DC bishii Nofembar.

Dukumiintiyo dheeri ah ayaa laga helay guriga Mr Biden ee Delaware baaritaanadii xigay ee la sameeyay bilihii Disembar iyo Janaayo.

Mr Biden waxa uu sheegay in kooxdiisu ay samaysay waxa ay ahayd inay sameeyaan ayna si buuxda ula shaqaynayaan baaritaanka.