DEG DEG:-Gabar Isku Dishay Magaalada Muqdisho

Warar aan helnay ayaa waxaa ay sheegayaan in Gabadhu ay iska duubeysay Video, iyadoo xiligaasi gacanta ku haysatay Bistoolad cabbaysan, waxaana la sheegay in ay ku fakatay Xabbad taasi oo ka heleeshay Madaxa.

Dad goob joogayaal ah oo ku sugan Xaafaddda Suuq-bacaad ee degmada Yaaqshid ayaa sheegaya in guriga falku ka dhacay ay gaareen Ciidanka Dowladda, kuwaasi oo sida la sheegay C I D-da u qaaday Maydkii marxuumadda, waxaana ay wadeen sidoo kale  Ninkii Bistooladda iska lahaa, kaasi oo la sheegay in uu guriga joogay xiliga Gabadhu xabbaddu ku fakanaysay.

Wararku waxaa ay xaqiijinayaan in in gabadhu ay duubeysay Tiktok Video, balse ay xabbaddu ku fakatay.