DEG DEG: Galmudug oo shaacisey liiska Shanta kursi ee Golaha Shacabka oo doorashadooda la qabanayo

liiska Shanta kursi ee Golaha Shacabka ee Galmudug
liiska Shanta kursi ee Golaha Shacabka ee Galmudug

DH/,AREEB-AYAAMAHA-Guddiga Doorashooyinka dowlad Goboleedka ee Maamulka Galmudug ayaa Maanta oo Khamiis ah shaaciyey 5-ta kursi  ee ugu horeysa oo ay qabanayaan doorashadooda maalmaha soo socda.

Madaxweyne Qoor qoor ayaa faray guddiga inay bilaabaan doorashada golaha shacabka weliba maalmo kooban gudaheed in 5-ta kursi la guda geli doono,taas oo ugu dambeyn maanta la shaaciyey kuraastaasi.

Shanta kursi ee Golaha Shacabka ee doorashadooda lagu qabanayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ay kala yihiin

1: HOP# 043 oo uu ku fadhiyo Xuseen Qaasim Yuusuf ( Iidow) oo kasoo jeeda Murusade.

2: HOP#054  oo uu ku fadhiyo Xildhibaan Abdishakur Ali Mire oo ah Marreexaan

3: HOP#104 oo uu ku fadhiyo Xildhibaan Mahad Abdalla  oo kasoo jeeda Awad=Dir Surre

4: HOP#067 oo uu ku fadhiyo  Xildhibaan Cabdullaahi Cali Ahmed (Adow Ali Gees) oo ah Abgaal Waceysle.

5: HOP#026 oo ay ku fadhido Xildhibaan Ikraan Aadan ahna Duduble Absuge.

Waxaana hore 9 kursi loo shaaciyey in doorashadeeda la qabanayo kuraasta gobollada wuqooyi kasoo galaya baarlamaanka 11aad.

Inkastoo Galmudug ay dooneyso inay maamulkii ugu horeeyey ee doorashada golaha shacabka si toos ah ubilaaba noqdaan hadana waxaa jira culeysyo badan oo indhaha laga qarsan karin oo jira.