DEG DEG:- General Odowaa oo ciidanka DANAB ee MARAYKANKU tababaray si qarsoodi ugu daabulaya GURICEEL.

Qoraalka waxaa qoray wasiirkii hore ee Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi.

Odowaa Taliyaha ciidamada XDS, wuxuu diyaaradaha dhaawacyada soo daabulayay si dhuumaalaysi ah ugu soo qaaday ciidamada xulka ah ee sida gaarka ah u tababaran ee Danab saldhigooduna ahaa Ballidoogle qeybo ka mid ah oo uu dhar Shibil ah u soo geliyey, kuwaasoo ku sugan duleedka Guriceel hadda.

Ciidamadaas waa xulka iyo kuwo gaarka ah ee shabaabka la dirirkooda loogu talagalay, waxayna ku hubaysan yihiin oo wataan miinooyinka dhismayaasha lagu dumiyo, qoryaha jabshaha la yiraahdo iyo hub kale oo casri ah.

Ciidamada gaarka ah waxaa qalabeeyey Dawladda Maraykanka, tababarkoodana gacanta ku haysa, balse waxaa nasiibdarro ah in Odowaa maantay uu u adeegsanayo in uu ku burburiyo guryaha Guriceel, una isticmaalo hubkii loogu talagalay Shabaab ASWJ ayadoo Alshabaab aysan ka fogayn halka uu dagaalka ka hogaaminayo.

Odowaa iyo cidda amarada siisa waxay halis ku tahay amniga qaranka iyo xasiloonida guud ee dalka, ficiladooduna waxay dhaawacaaysaa kaalmadii adduunku siinayey ciidamadeena iyo hadafkii naloo kaalmaynayey!

Dawladda Maraykanka oo ciidamadaas tababartay waxaa la gudboon oo loogu baaqayaa in ay hubiso ciidamadii gaarka ahaa iyo qalabkoodii in loo adeegsanayo dagaalka Guriceel!?!