DEG DEG:- Golaha wadatashiga Qaran oo soo saaray jadwalka doorashadda Soomaaliya.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Golaha wadatashi ee Doorashada Soomaaliya, ayaa soo saaray Jadwalka doorashada Soomaaliya iyo go’aamo ay ku gaareen Shirka arrimaha Doorashada uga socday Muqdisho.

JADWALKA DOORASHADDA

1. Tababarka iyo Doorashadda Guddoonka Gudiyada Doorashadda ( 30 June – 05 July 2021)
2. Doorashada Aqalka Sare (25 July 2021)
3. Diyaarinta Goobaha Codbixinta Doorashada ( 23 July 2021).

4. Soo xulista iyo diyaarinta Ergooyinka Doorashadda (15 July – 10- August 2021)
5. Doorashadda Xildhibaanada Doorashadda Golaha Shacabka JFS (10 August – 10 September 2021).

6. Dhaarinta Xildhibaanada iyo Doorashadda Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka JFS (20 September 2021)
7. Doorashadda Madaxweynaha JFS (10 October 2021).

Go’aamada kale ee uu Goluhu gaaray:

-Goluhu oo tixgelinaya Codsi ka yimi Haweenka Soomaaliyeed, wuxuu 50% ka dhimay Haweenka Soomaaliyeed khidmada laga qaadayay haweenka u sharaxan Baarlamaanka.

-Wasaaraha DFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble, oo ka duulaya heshiiskii 27kii May 2021, ayaa magacaabay Guddiga dib-u-heshiisiinta Gobolka Geddo oo aysan ku jirin Jubaland. Guddiga ayaa la faray inay dedejiyaan arrimaha dib-u-heshiisiinta Gobolka Gedo.