DEG DEG:-Golaha Wasiirada la magacaabayo oo looga yeeray Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirada magacaaban ee xalay la sii wargeliyay ayaa saaka looga yeeray Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, si ay goobjoog uga noqdaan Munaasabadda ku dhawaaqidda Golaha Wasiirada Soomaaliya.

Warar lagu kalsoonan karo ayaa sheegaya in golaha Wasiirada la magacaabayo ay ka kooban yihiin 25 Wasiir, halka Xukuumaddii hore aheyd 26 Wasiir.

Waxaa gebi ahaanba la baabi’iyay Wasaaraddii Gargaarka iyo Musiibooyink a, halka Wasaaradda Dastuurka oo horay gooni u taagneyd lagu daray Wasaaradda Cadaaladda. Waxaa Golaha lagu soo kordhiyay Wasaarad cusub oo ah Wasaaradda Bey’adda iyo Is bedelka Cimilada.

Xalay ayaa la filaayey in lagu dhawaaqo balse waxaa loo baajiyey sababo la xiriira munaasabada 24 sano guuradii kasoo wareegatay markii la aas aasay maamul puntland