DEG DEG:- Gudaha Madaxtooyada Soomaaliya oo lagu arkay gaari ku raran qaraxyo

MUQDISHO-AYAAMAHA-Gaari qarax laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa lagu soo warramayaa inuu soo istaagay afaafka hore ee guriga Ra’iisul wasaaruhu ka daggan yahay gudaha Madaxtooyadda, Ciidankii goobta joogay ayaa baaritaan ka dib shakiyey oo Qarax sheegay.

Eyga AMISOM iyo Ciidanka Miino baarista ayaa sameynaya baarista ku guda, ugu dambeynna goobta waa lagu kala cararay sida ay iixaqiijiyeen Saraakiil goobta ku sugan.

Horey ayaa looga digay amni darada iyo in qaraxyo lagu weerari doono Magaalada, gaar ahaan goobaha aadka loo ilaaliyo.