DEG DEG:- Guddiga doorashada Kenya oo shaaciyey natiijada rasmiha ah ee doorashada.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddiga doorashooyinka dalka Kenya oo maalmahaan waday tirinta codka doirashada ay ku tartamayaa Raala Odinga iyo Wiliam Ruuto.

Raala Odinga ayaa ku horreeya tartanka doorashada madaxweynaha Kenya, sida ay muujineyso qeyb ka mid ah natiijada rasmiga ah ee ay sii daayaan guddiga doorashada.

Odinga ayaa codad ah 52.5 boqolkiiba ku hoggaaminaya madaxweyne ku-xigeenka dalkaas William Ruto oo haysta 46.7 boqolkiiba, sida ay muujineyso natiijada doorashada ee ay daayeen gudidiga, taasi ah 30 boqolkiiba goobaha codbixinta.

Doorashada ayaa si dhow loo daawanayaa, ayada oo ay tijaabo u tahay xasilloonida Kenya, oo ah mid ka mid ah dalalka ugu dimoqraadiyadda wanaagsan Afrika, balse ay horey uga dhaceen codbixino ay hareeyeen rabshado iyo eedo ku shubasho.