DEG DEG:- Guddiga doorashooyinka heer Federaal oo qaatay go’aan lama filan ah!

MUQDISHO-AYAAMAHA-War goordhow ku soo dhacay warqabadka ayaamaha.com ayaa sheegaya in Guddiga doorashada heer Federaal ee FEIT uu laalay doorashadii labo kursi oo dhowaan lagu doortay Baydhabo ee kala ahaa HOP103 iyo HOP154, kuwaasoo doorashadooda dib loogu noqonayo.W

War saxaafadeed guddiga ay ku shaacinaya natiijada baaritaan maalmahan socday ayaa lagu wadaa in goordhow ka qabto.

Labadda Kursi ayaa horay waxaa ugu fadhiyay xildhibaano Sareedo Maxamed oo dib loo doortay iyo Gudoomiyihii hore golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo loo diiday in uu tartamo, waxana kursigiisa kusoo baxay Wasiirka Gaadiidka maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Cali.

Dhinaca kale Guddiga xalinta khilaafaadka ayaa iyana laga sugayaa go’aan ka gaarida kursiga HOP067 ee dacwada laga gudbiyay, iyadoo muddo kordhin u sameeyay baaritaanka kursigaas oo ah muddo aan ka badneyn 10 maalmood.

Buuqa ka dhashay doorashada golaha shacabka kuraasta qaar ayaa abuurtay in kulamo ka dhan ah Dawlada ay ka socdeen maalmahaan Muqdisho.

Doorashada golaha shacabka ayaa guux weyn ka dhashay kadib markii mucaaradku sheegeen inay tahay mid boob ah oo Nabad iyo nolol ay shakhsiyaad gaar ah kusoo saaraneyso.