DEG DEG:- Guddiga doorashooyinka oo shaaciyey in 16-ka kursi ee Gedo laga wareejiyey Garbahaarey.

Wararka Gudaha iyo Dibbada

KISMAAYO-AYAAMAHA-War-saxaafadeed kasoo saaray Guddiga doorashooyinka ayaa waxaa lagu sheegay in Guddiga uu arkay in Magaalada Garbahaareey ay  ka jiraan caqabado amni oo ku hor gudban doorashada kuraasta deegaan doorashada labaad ee Jubbaland.

Guddiga  doorashada ayaa xaqiijiyay in aysan suura-gal aheyn in doorasho ka dhacdo Magaalada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo , isla markaana lagama maarmaan noqotay in doorashada kuraasta 16-ka kursi laga wareejiyo halkaas.

Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa Go’aamiyey in doorashada kuraasta 16-ka kursi ee ku harsan dowlad Goboleedka Jubbaland loo wareejiyay Magaalada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Guddiga ayaa caddeeyay in Maamulka Garbahaareey uu xubno kamid ah Guddiga doorashooyinka heer Federaal u diiday inay booqasho ku tegaan Magaaladaas, iyagoona u kuurgeli lahaa xaaladda amni ee ka jirta Magaaladaas.