DEG DEG:- Guddiga Xalinta Khilaafaadka oo go’aan culus ka soo saaray Kursiga HOP#67.

Guddiga Xalinta Khilaafaadka ayaa soo saaray natiijada kursigii doorashiisa lagu muran sanaa ee HOP# 67, kaas oo kusoo baxay Agaasimaha kumeel gaarka ah ee NISA, Yaasiin Faray.

Doorashada Yaasiin Faray ayaa dhalisay dood badan oo hakisay doorashooyinkii socday, waxaana guddigo doorashooyinka lagu eedeeyey inay Villa Somalia ay u boobayaan doorashada.

Maanta oo Arbaco ah ayaa Guddiga Xalinta Khilaafaadka waxay go’aamiyay in habraacii loo maray kursiga tirsigiisa ahaa HOP67 uu ahaa mid sax ah, taas ooo ka dhigan in mar kale Guddiga mugdi geliyay kalsoonidii lagu qabay iyo hufnaantii doorashada oo meesha ka sii baxeysa.

Waxaa si cad u muuqatay in cadaadis Villa Somalia ay ku saarayeen hoggaanka Guddiga inay ansixiyaan kursigan lagu muransanaa taasoo keeni karta in Beesha kursiga iska leh oo horey u caraysaneyd ay ka sii darto.

Midowga Musharaxiinata ayaa si cad u diiday natiijada kursiga, waxayna ku baaqeey in la joogiyo gebi ahaaba doorashada, maadaama doorashada kusocoto hanaan boob ah balse looma joojin warkooda.