DEG DEG:- Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka oo ka horyimid cabashadii Midowga Musharaxiinta.

Qoraalka kasoo baxay Guddiga doorashooyinka ayaa sheegay in cabasho la soo mariyey warbaahinta aan u aqoonsaneyn cabasho.

Hoos ka akhriso.

Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban wuxuu xasumsinyaa Soo-Dacwoodayaasha Doorashada

Muddada Soo Gudbinta Dacwooyinka; . Cabashooyinka la xiriira saxsanaanta guddiga soo xulista ergada (odayaasha dhaqanka iyo

bulshada rayidka) waxaa lagu soo gudbinayaa 3-maalmood gudahood oo ka bilaabanaysa marka ay Guddiga Maamulaya Doorashada (SEIT) ay shaaciyaan magacyada Nabadoonada iyo xubnaha Bulashada rayidka kursi walba.

  1. . Cabashooyinka la xiriira hab qaybsiga iyo kala shaandheynta ergooyinka waxaa lagu soo gudbinayaa 3-maalmood gudahood oo ka bilaabanysa marka la shaaciyo liiska ergada kursi kasta.
  2. . Cabashooyionka la xiriira diiwaangalinta musharixiinta iyo ku dhawaaqida liiska musharixiinta waxaa la soo gudbinayaa marka la shaaciyo liiska musharixiinta kursi kasta oo ah ka hor 48 saacx iliga doorashada kursigaas.
  3. . Marka la qabto doorashada kursi kasta waxaa lagu gudbinayaa cabashooyinka la xiriira natijada doorashada kursigaas 3-maalmood gudahood oo ka bilaabanaysa marka lagu dhawaaqo natiijada horudhaca ah ee kursigaas.

Haddaba, Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban asagoo tixgalinaya in muwaadiniitu ay xaq u leeyihiin inay fikradahooda si xor ugu cabiri karaan warbaahinta noocyadeeda kala duwan, hadana GXKHDD uma garawsana cabashooyinka warbaahinta oo kaliya la soo mariyo dacwo rasmi ah.

GXKHDD waxaa si rasmi ah u soo gaaray labo dacwo oo Golaha Shacabka ah intii doorashada socotay, waxaana go’aankooda Guddigu u maray hanaanka dhaqanka iyo halbeegyada caalamiga ah ee doorashooyinka.

GXKHDD wuxuu ku boorinyaa Soo-dacwoodayaasha Doorashada ce bunixiyay shurumdaha dacwo oogashada inay dacwooyinkooda Doorashada ku hagaajiyaan Xafiiskyada un guddigu ku leeyahay goobaha deegaan doorshooyinka dalka.