DEG DEG:-Guddoomiyihii Guddiga Doorashooyinka Puntland oo iska casiley xilkii.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddoomiyihii Guddiga Doorashooyinka Puntland Guuleed Saalax Barre ayaa iska casiley xilkiisa, isagoo kusoo qoray bartiisa Facebook qoraalka hoose.

Hoos la akhriso qoraalka.

Saaka waxaan ugudbiyay Xubnaha Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland warqad aan ku bannaynayo jagada Guddoomiyanimo ee Guddiga, sidoo kale isla saaka waxaan Guddoomiyaha Baarlamaanka la wadaagay warqad aan isaga casilayo xubinimaddii Guddiga ee aan kusoo shaqaynayay muddo 2 sano iyo bar ah. Waxaan qorshaynayay inaan qayb kasii ahaado shaqada adag ee Xubnaha Sare iyo Shaqaalaha Guddigu u hayaan bulshada reer Puntland, laakiin duruurfo iga hor yimid dartood waxaan goostay inaan banneeyo booska.

Aniga oo ku kalsoon aqoonta, khibradda, kartida iyo iskuduubnaanta Xubnaha Sare iyo Shaqaalaha Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland, waxaan ALLE idankiis hubaa in shaqada qaybta harsan ay si habsami leh ku dhamayndoonaan. Shaqada inteeda badan waxaa awalba hayay xubnaha kale iyo shaqaalaha, Guddoon ahaan kaalintayadu waxay ku koobnayn hogaamin, matalaad iyo hagis guud.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay muddo laba bilood iyo dheeraad ah laga joogo doorashadii u horraysay oo qof iyo cod ah oo Puntland ka dhacda.