DEG DEG:-Gudoomiyihii Guddiga doorashada oo xilka laga qaaday

MUQDISHO-AYAAMAHA-Gudiga doorashooyinka heer Federaal ayaa xilkii ka qaadey Gudomiye Maxamed Xassan Cirro, waxaa lagu eedeeyey shaqo gudasho la’aan iyo ku milmidda siyaasadda.

Maxamed Cirro, Gudoomiyihii guddiga doorashada dadban waxaa shaqda ka ceyriyey oo xilka ka qaaday 18 ka mid ah guddiga oo goordhow ku shiray hotel ku yaalla Airportiga Muqdisho, waxaa lagu eedeeyey xil gudasho la’aan, musuq iyo ku milmid siyaasadda.

Go’aankan ayaa dhabar jab ku ah Villa Soomaaliya maadama cirro la aaminsanahay inuu ka shaqeynayay dib u doorashada Farmaajo.