DEG DEG:- Hal sabab oo Fahad Yaasiin loogu xiray dalka Jabuuti.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dalka Jabuuti waxaa lagu xiray agaasimihii hore Hay’adda Nabadsugida Somalia, isagoo lagala tagay diyaarad uu kasoo raacay dalka Turkiga.

Af-hayeen u hadlay madaxtooyada Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa arrintaas u tilmaamay mid aan sharci ahayn oo aan sii xoojinayn xiriirka labada dawladood. Waxa u sheegya in dawladda Soomaaliya ay ka xuntahay falka ku xadgudubka ah ee xuquuqda musaafiriinta iyo shuruucda caalamiga ah, sida uu hadalka u dhigay.

War saxaafadeed kasoo baxay Af-hayeenka madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dawlada Jabuuti ay Fahad Yaasiin ku xannibtay garoonka diyaaradaha ee Jabuuti.

Dhanka kale saraakiil ka tirsan Laamaha amniga dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegay  in laamaha amniga Soomaaliya ay amreen in Fahad Yaasiin aysan shirkadaha diyaaradaha keeni karin Muqdisho.

Sababtoo ah Fahad Yaasiin ayaa waxay ku eedeeyeen inuu Muqdisho ka waday abaabul ciidan iyo inuu khalkhal geliyo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Waana sababta keentay in lagu xanibo dalka Jabuuti, waxaana laga baqay in dagaal si fudud ku billaawda uudalka ka dhaco, iyadoo khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha uu gaaray heerkii ugu sarreysay.